Tartanka Gool Dhalinta Horyaalka Serie A-da Oo Meel Xiiso Leh Maraya & Ibrahimovic Oo Hogaaminaya.

Waxa la dhamaystiray kulamadii todobaadka 6-aad ee horyaalka Serie A-da dalka Talyaaniga iyada oo horyaalku xiiso gaar ah leeyahay xilli ciyaareedkan.

Weeraryahanka kooxda Ac Milan ee Zlatan Ibrahimović ayaa sii wada wacdarihii uu ka dhaliyay horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan isaga oo sii wada dhalinta goolasha.

Xiddiga Zlatan Ibrahimović ayaa hogaaminaya gool dhalinta horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan halka uu xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo oo ka soo laabtay xanuunka Korona 2 gool kula soo laabtay kooxdiisa.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Milan ee Zlatan Ibrahimovic ayaa dhaliyay 7 gool kaliya 4 kulan oo uu ciyaaray horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale xiddiga kooxda Torino ee Andrea Belotti ayaa dhaliyay 6 gool isaga oo kaalinta 2-aad ku jira kadib 5 kulan oo uu ciyaaray.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo iyo xiddiga kooxda Sassuolo ee Francesco Caputo ayaa ku wada jira kaalinta 3-aad iyaga oo wada dhaliyay min 5 gool.

Xiddiga kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa dhaliyay isaguna 5 gool 5 kulan oo uu ciyaaray ilaa haatan xilli ciyaareedka Serie A-da.

Hadaba Halkan Hoose kaga bogo sida la isugu baacsanayo gool dhalinta horyaalka Serie A-da:

  1. Zlatan Ibrahimovic (AC Milan) 7 Gool
  2. Andrea Belotti (Torino) 6
  3. Francesco Caputo (Sassuolo) 5
  4. Cristiano Ronaldo (Juventus) 5
  5. Romelu Lukaku (Inter Milan) 5
  6. Giovanni Simeone (Cagliari) 5
  7. Roberto Soriano (Bologna) 4.
  8. Alejandro Gómez (Atalanta) 4
  9. João Pedro (Cagliari) 4
  10. Luis Muriel (Atalanta) 4

Sii Akhriso: Madaxweyne Ka Mid Ah Maamul Goboleedyada Somaliya Oo Is Casilay & Sababta Oo La Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*