Tartanka Gool Dhalinta Horyaalka Serie A-da Oo Meel Xiiso Leh Maraya & Cristiano Ronaldo Oo La Qaban Laayahay.

Gool dhalinta horyaalka Serie A-da ayaa maraya meel xiiso leh xilli lagu sii dhawaanayo dhamaadka xilli ciyaareedka horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedka 2019/2020.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa wacdaro dhigaya tan ilaa markii dib loo bilaabay xilli ciyaareedka isaga oo soo qabtay xiddiga kooxda Lazio ee Ciro Immobile kaas oo goolal badan ku hogaaminayay markii dib loo bilaabay xilli ciyaareedka.

Xiddiga ugu fiican Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 6 gool oo horyaalka Serie A-da ah tan ilaa markii dib loo bilaabay horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Ciro Immobile ayaa dhaliyay 29 gool isaga oo kaliya hal gool ka dambeeya xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kaas oo dhaliyay 28 gool oo Serie A-da ah.

Xiddigii hore ee kooxda Man United ee Romelu Lukaku ahna xiddig u ciyaara Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa dhaliyay 20 gool oo horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Halkan Hoose kaga Bogo Xiddigaha u tartamaya gool dhalinta Serie A-da:

Ciro Immobile (Lazio) 29 gool

Cristiano Ronaldo (Juventus) 28

Romelu Lukaku (Inter Milan) 20

João Pedro (Cagliari) 17

Luis Muriel (Atalanta) 17

Sii Akhriso: Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Soo Hor Jeestay Go’aanadii Ka Soo Baxay Dhuusamareeb

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*