
Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ugu dambayn hogaanka u qabtay gool dhalinta horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan kadib labadii gool ee uu ka dhaliyay kooxda Parma.
Sidoo kale xiddiga kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa gool u dhaliyay kooxdiisa horyaalka Todobaadkan isaga oo sii xoojiyay tartanka horyaalka Serie A-da ee gool dhalinta.
Xiddiga kooxda Ac Milan ee Zlatan Ibrahimovic oo aan ciyaarin kulamadii ugu dambeeyay sabab la xidhiidha dhaawac ayaa ku jira kaalinta 3-aad.
Xiddigii ku fashilmay kooxda Arsenal ee Henrikh Mkhitaryan ayaa wacdaro dhigaya isaga oo 7 gool dhaliyay ilaa haatan horyaalka Serie A-da.
Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Gool dhalinta Serie A-da:
Cristiano Ronaldo (Juventus): 12
Romelu Lukaku (Inter Milan) 11
Zlatan Ibrahimovic (Ac Milan) 10
Andrea Belotti (Torino) 9
Ciro Immobile (Lazio) 8
Henrikh Mkhitaryan (Roma) 7
Be the first to comment