Tartanka Gool Dhalinta Horyaalka La Liga Oo Sii Xoogaysanaya & Benzema Oo Ku Daba Tumaya Messi

Horyaalka La Liga ayaa ku sii dhawaana dhamaadkiisa kadib markii la ciyaaray 36 kulan xilli ciyaareedkan iyada oo 2 kulan oo kaliya inaga xigto dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Real Madrid ayaa ah hogaamiyayaasha horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan iyaga oo 4 dhibcood ka horeeya kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona.

Dhanka kale tartanka gool dhalinta ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo uu weeraryahan Barcelona ee Lionel Messi hogaanka u hayo gool dhalinta xilli ciyaareedkan.

Laakiin waxa ku daba tumaya xiddiga Real Madrid ee Kari Benzema kaas oo kaliya ka dambeeya 3 gool kadib goolkii uu ka dhaliyay Granada kulankii xalay ee horyaalka.

Waxa kaalinta 3-aad ku jira xiddiga kooxda Villarreal ee Gerard Moreno kaas oo ilaa haatan leh 16 gool horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Waxa ku xiga kaalinta 4-aadna ku jira xiddiga kooxda Barcelona ee Luis Suarez kaas oo dhaliyay 15 gool xilli ciyaareedka horyaalka La Liga.

Halkan Hoose Kaga Bogo Tartanka Gool Dhalinta La Liga

Lionel Messi (Barcelona) 22 Gool

Karim Benzema (Real Madrid) 19

Gerard Moreno (Villarreal) 16

Luis Suarez (Barcelona) 15

Raúl García (Athletic Bilbao) 15

Lucas Ocampos (Sevilla) 14

Iago Aspas (Celta Vigo) 13

Sii Akhriso: Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Soo Hor Jeestay Go’aanadii Ka Soo Baxay Dhuusamareeb

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*