Tartanka Gool Dhalinta Euro 2020 Oo Meel Xiiso Leh Maraya Kadib Dhamaadkii Wareega Group-yada.

Waxa si Rasmi ah loo soo afjaray wareega Group-yada tartanka Euro 2020 waxana tartanka isugu soo hadhay 16 kooxood kuwaas oo ku tartami doona tartanka inta ka hadhay.

Waxa jira xiddigo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay tartanka waliba dhaliyay goolal badan oo muhiim u ah xulalkooda wareegii Group-yada intii lagu jiray tartanka.

Xiddiga xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan tartanka Euro 2020 kadib markii la soo afjaray wareega Group-yada tartanka.

Cristiano ayaa dhaliyay 5 gool ilaa haatan tartanka waxana uu ugu yaraan laba gool ka horeeyaa xiddigaha ugu soo dhaw ee ugu goolasha badan tartanka Sanadkan.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa sii dheeraystay gool dhalintiisa kadib markii uu laba rikoodhe u dhaliyay xulkiisa kulankii ugu dambeeyay wareega Group-yada ee tartanka Euro 2020.

Halkan Hoose Kaga Bogo tartanka Gool dhalinta Euro 2020:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*