
Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sii dheeraystay hogaanka gool dhalinta horyaalka premier League kadib markii uu gool dhaliyay todobaadkii 23-aad ee premier League.
Xiddiga reer Masar ayaa sii dheeraystay hogaanka gool dhalinta premier Leageu isaga oo 3 dhibcood ka horeeya xiddiga ugu soo dhaw tartanka gool dhalinta.
Dhanka kale ugu yaraan 4 xiddig ayaa isku goolal ah kuna jira kaalinta 2-aad kadib markii ay dhamaantood goolal dhaliyeen todobaadkan.
Xiddiga Mohamed Salah ayaa ugu cad-cad in uu markii 3-aad ku guulaystay gool dhalinta horyaalka premier League xilli ayna jirin xiddigo ugu cad-cad kula dagaalami kara gool dhalinta marka loo eego qaab ciyaareedka ay ku jiraan xiddigaha ugu dhaw gool dhalinta.
No. | Xiddiga | Kooxda | Xulka | Goolasha |
---|---|---|---|---|
1. | Mohamed Salah | Liverpool | Egypt | 16 |
2. | Bruno Fernandes | Manchester United | Portugal | 13 |
3. | Dominic Calvert-Lewin | Everton | England | 13 |
4. | Harry Kane | Tottenham | England | 13 |
5. | Son Heung-Min | Tottenham | South Korea | 13 |
6. | Patrick Bamford | Leeds | England | 12 |
7. | Jamie Vardy | Leicester | England | 11 |
8. | Callum Wilson | Newcastle | England | 10 |
9 | Ollie Watkins | Aston Villa | England | 10 |
10. | Ilkay Gündogan | Manchester City | Germany | 9 |
Be the first to comment