Tartanka Africa Oo Meel Xiiso Leh Maraya Iyo 8 Xul Ee Isugu Soo Hadhay.

Xulalka Maali, Senegal, Cameroon, Morocco, Aljeeriya, Nayjeeriya, Masar iyo Ivory Coast ayaa noqday kuwa isugu soo hadhay tartanka koobka Africa ee ka socda dalka Morocco.

Kaliya 8 xul ayaa isugu soo hadhay tartanka koobka Africa kadib kulamo xiiso badan oo la ciyaaray intii uu socday tartanku.

Maalinta jimcaha 9 Bishan xulka Mali ayaa la ciyaari doona xulka Senegal kulanka ugu horeeya ee 8 dhamaadka tartanka halka uu Xulka Cameroon ayan ayaa la ciyaari doona xulka Morocco.

Kulamada 8 dhamaadka ayaa sii socon doona Sabtida, 10-ka January, iyadoo xulka Algeria uu la ciyaari doono xulka Nigeria kulan culus oo heer sare ah, halka xulka Masar uu wajihi doono xulka Ivory Coast kulan aad loo sugayo.

Sideedda xul ee u soo baxay ayaa rajaynaya inay sii wataan socdaalkooda ku aaddan hanashada koobka qaaradda, iyadoo tartanku sii kululaanayo oo go’aanka uu soo dhowaanayo, isla markaana taageerayaashu si weyn u sugayaan in la ogaado xulalka ku guuleysan doona inay gaaraan afar-dhamaadka tartankan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga