Tammy Abraham Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Uu Mushahar Sare Ka Dalbaysa Chelea Si Uu Heshiis Cusub Ugu Saxiixo Blues.

Weeraryahanka Kooxda chelsea ee Tammy Abraham ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu dalbanayo lacag dhan 180 kun oo Gini todobaadkii si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda chelsea.

Blues ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato weeraryahanka kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Tammy Abraham ayuu 2 sano uga hadhsan yahay heshiiskiisa kooxda chelsea laakiin wararka ayaa sheegaya in uu iska diiday dalabkii Blues ay u soo bandhigtay isaga oo dalbanaya mushahar sare.

Wararka ayaa sheegaya in ay uu xiddiga reer England dalabanayo mushahar todobaadkii dhan 180 kun oo Gini si uu u sii joogo kooxda.

Laakiin wargayska Telegraph ayaa sheegaya in uuna Tammy Abraham dalaban mushaharka intaas leeg laakiin uu doonayo in uu ka shaqanayo sidii uu u soo laaban lahaa kadib markii laga helay xanuunka Coronavirus.

Advertisements

Tammy Abraham ayaa ka fal celiyay warka Telegrph oo uu taageere Chelsea ah ku soo qoray baraha bulshada warkaas ayaa ahaa” Tammy Abraham ma dalban lacag dhan 180 kun oo Gini todobaadkii, kaliya Abraham waxa uu diirada saarayaa in uu ku soo laabto taam ahaanshihiisa ka hor inta ayna kulmadu dib u bilaabmin”.

Tammy Abraham ayaana ku jawaabay” Ugu Dambayn Waxa jira war run ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*