Takehiro Tomiyasu Oo Ku Guulaystay Abaalmarintii Ugu Horysay Ee Arsenal.

Xiddiga daafaca Midig uga ciyaara kooxda Arsenal ee Takehiro Tomiyasu ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa kooxda Arsenal ee bishii September.

Xiddiga Takehiro Tomiyasu ayaa kooxda Arsenal si joogto ah ugu ciyaaray kooxda Arsenal tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda suuqii xagaaga ee la soo dhaafay.

Takehiro Tomiyasu ayaa Arsenal ka caawiyay in ay shabaqeeda ilaashato kulamadii uu ciyaaray premier League isaga oo waliba soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddiga Takehiro Tomiyasu ayaa helay cod dhan 51% kadib markii ay taageerayaasha kooxda Arsenal u doorteen xiddiga ugu fiican bishii September ee la soo dhaafay.

Xiddiga Takehiro Tomiyasu ayaa abaalmarinta ku garaacay Goolhaye Aaron Ramsdale oo kaalinta 2-aad galay iyo Emile Smith Rowe oo kaalinta 3-aad galay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*