Tababarihii Hore Ee Chelsea Maurizio Sarri Oo Ku Soo Wajahan Premier League.

Tababarihii hore ee kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa tababare u noqon kara Kooxda Tottenham si uu shaqada uga badalo Jose Mourinho sida ay sheegayaan wararku.

Mustaqbalka Jose Mourinho ayuu shaki ku jiraa kadib markii ay kooxdu heshay natiijooyin xun kulamadii ugu dambeeyey ee xilli ciyaareedka.

Tababaraha reer Portugal ayaa guuldaro kala kulmay kooxdiisii hore ee Man United Axadii inkasta oo ay kooxdiisu ku hor martay gool qaybtii hore ee ciyaarta.

Idaacada Rai Sport ayaa sheegaya in ay Tottenham haatanba bilowday raadinta badalka tababaraha cadaadisku saaranyahay ee Jose Mourinhoho.

Wargayska Sport Witness ayaa sheegaya in ay kooxda Tottenham doonayso in ay u dhaqaaqdo tababarihii hore ee chelsea iyaga oo haatanba wadahadalo hordhac ah la qaatay wakiilkiisa.

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*