Tababare Pep Oo Farriin U Diray Messi Xilli Laacibka Lala Xariirinayo Hantiilayaasha

Tababaraha kooxda Man City ee Pep oo wax laga weydiiyay wararka sheegaya in Messi uu ku soo wajahan yahay City ayaa carabka ku adkeeyay in uu rajeynayo in laacibkaas uu baaqi ku sii ahaado Camp Nou

Messi ayaa dhawaan aad loola xariiriyay in uu baxayo waliba cadeeyay arintaas balse ugu dmabeyn waa uu sii joogay ka dib dood dheer

Wargeyska The Sun ayaa qamiistii qortay in City ay u bandhigayaan Barcelona dalab 50- milyan ah oo ay ku doonayaan Messi kaasi oo hishiiskiisa uu ku siman yahay xagaaga 2021-ka

Haatan macalin Pep ayaa wargeyska Manchester Eveninig ka yiri” Messi miyuu u soo socdaa City? dhab ahaan Messi waa xiddig Barcelona ah”.

“Haddii uu Messi i weydiiyo aragtideyda , dhab ahaan aniga oo qiiymanaya waxaan dhihi lahaa waxaan doonayaa in aan halkaas ku dhameysato kubadda cagta” ayuu sii raaciyay tababare Pep.

” Kun jeer ayaan iri hadalkaan , waxaan rajeynayaa in Messi uu ku dhameysto kubadda cagta kooxda Barcerlona , , sidaas oo ay tahay ma ogi waxa maanka laacibka ku jira mana jirto wax kale oo aan sii raacsiin karo”. ayuu yiri macalin Pep

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*