Tababare Koeman Oo Qiil U Sameeyay Sababta Uu Gerard Piqué Ugu Yeeray Kulanka Real Xilli Laacibka La Shaki Gilinayo Diyaar Ahaanshiisa.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa daboolka ka qaaday sababta uu daaficiisa Gerard Piqué  uu ugu yeeray kulanka El clasico ee Real Madrid

Barcelona ayaa beri marti u ah Real oo ay wada ciyaarayaan kulan ka tirsan wareegga 30-aad ee La Ligaha

Tababaraha ayaa qiil u yeelay u yeeritaanka laacibka inkastoo uu ka sheeganayo xanuun jilibka ah waliba ay jirtay shaki ah in uusan diyaar u aheyn kulankaas

” Sergi Roberto iyo Gerard Piqué muhiim ayay u yihiin kooxda marka la eego shaqsiyadooda”.

“Waxaan ognahay in labada laacib ay leeyihiin farsamo sareysa balse jir ahaan xaaladooda waa wacan tahay waliba xiiso ayay u qabaan kulankaas”

Waxa uu intaas sii raaciyay macalinka” waa muhiim in ciyaartooyda dhamaan ay diyaar u ahaadaan kulankaas”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*