Tababarayaasha Ilaa Haatan La La Xidhiidhinayo Chelsea Si Ay U Badalaan Thomas Tuchel.

Tababarayaasha Ilaa haatan lala xidhiidhinayo Chelse Si Ay U Badalaan Thomas Tuchel.

Kooxda chelsea ayaa saaka ka yaabsatay adduunka kubada cagta kadib markii ay shaqada ka caydhisay tababare Thomas Tuchel kadib guuldaradii Dinamo Zagreb ee champions League.

Chelsea ayaa shaqada ka caydhisay Tuchel kadib qaabkii xumaa ee ay kooxdu ku bilaabatay xilli ciyaareedka guud ahaan ilaa haatan.

Blues iyo Milkiileheeda Todd Boehly ayaa haatan bilaabay raadinta tababaraha shaqada ka badali doona Tuchel si ay kooxda horay ugu qaadaan.

Ilaa haatan waxa jira tababarayaal badan oo lala xidhiidhinayo chelsea kuwaas oo shaqada ka badali doona Tuchel hadii loo doorto.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska tababarayaasha lala xidhiidhinayo chelsea:

Graham Potter

Mauricio Pochettino

Brendan Rodgers

Zinedine Zidane

Diego Simeone