Tababaraha Xulka Spain Oo Magacaabay Xulalka Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Euro 2024.

Tababaraha Spain Luis de la Fuente ayaa aaminsan in xulkiisa ay ka mid tahay afarta kooxood ee ugu cad cad ee ku guulaysan doona Euro 2024.

Kadib Final champion league Todobaadka dambe dareenka ayaa u jeedsan doona tartanka Euro 2024 Oo bilaaban doona 14 bisha June.

Xulalka France, Germany, England iyo Portugal ayaa ka mid xulalka ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Tartanka.

Xulka Spain ayaa ku aaday Group adag Oo ay ku jiraan xulalka Italy, Croatia iyo Albania, laakiin De la Fuente ayaa kalsooni buuxda ku qaba xulkiisa, waxaana uu aaminsan yahay in La Roja uu la mid noqon karo seddexda xul ee ugu cadcad.

Wargaysi uu Siiyay Movistar Plus ayuu ku yidhi”Spain ayaa noqon doonta midka 1-aad Marka aan ka hadlayo xulalka ugu Cad-Cad Tartanka”.

“Anagu cidna kama liidano laakiin waxa aan la mid nahay xulalka kale”.

“Waxa la qiineeyaa xulalka England, France iyo Portugal, maxaa diiday in anaga nala Qiimeeyo”.

“Way iska cadahay in aanan haysan xiddigo shaqsi ah Oo heer caalami ah laakiin waxa aan haysanaa xiddigo Fiican Oo awood leh”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga