Tababaraha Xulka Qaranka Germany Jaachim Low Oo Caga-Juglayn U Diray Xulka England Ka Hor Kulankooda.

Tababaraha Xulka qaranka Germany Jaachim Low ayaa caga-juglayn u diray xulka England ka hor kulankooda Salaasada dambe ee wareega 16-ka tartanka Euro 2020 isaga oo u sheegay in ay fishaan xul ka duwan midkii ku dhibaatooday wareea Group-yada tartanka.

Xulka Germany ayaa kaliya hal kulan badiyay wareega Group-yada tartanka Euro 2020 iyaga oo mid laga badiyay mid kalena bar-baro galay xilli uu Group-koodu ahaa midkii ugu adkaa tartanka.

Xulka Germnay ayaa salaasada dambe England kula ciyaari doona Wembley kulanka ugu ada wareega 16-ka tartanka Euro 2020 kaas oo la filayo in uu noqdo mid xiiso leh tababaraha Germany ayaana haatanba bilaabay ciyaar Maskaxeedka.

“Kulankii Hungary waxa aan samaynay khaladaaad laakiin waan dagaalanay, waxa aan muujinay shaqsyada”ayuu Low yidhi.

“Ugu dambayn waxa aan ka soo baxnay Group ahaa midka ugu adag, arintaas ayaana ujeedkeena ahayd”.

“Haatan waxa aan isku diyaarin doonaa kulanka England kaas oo noqon doona kulan adag laakiin waxa aan ahaan doonaa mid ka duwan sidii kulankii Hungary, arintaas ayaan kuu balan qaadi karaa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*