Tababaraha Xulka Qaranka England Oo Chelsea Uga Warbixiyay Dhaawac Ben Chilwell

Tababaraha Xulka qaranka England Gareth Southgate ayaa xaqiijiyay in daafaca Bidix ee kooxda chelsea ee Ben Chilwell soo gaadhay dhaawac dhabarka ah kulankii uu xulka England guuldarada kala kulmay xulka Belguim.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa laga saaray kulankadaqiiqadii 38-aad ee qaybtii hore kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta.

Dhakhaatiirta xulka qaranka England ayaa maanta qiimayn doona baadhitaana ku samayn doona xaalada xiddiga laakiin waxa ay u badantahay in uu seegi doono kulanka Iceland ee Arbacad.

Chelsea ayaa haatan sugaysa in ay ogaato in uu leegyahay dhaawaca soo gaadhay xiddiga ka hor kulankooda Newcastle ee Sabtida.

Markii wax laga weydiiyay dhaawaca Chilwell ka dib guuldaradii England ka soo gaartay Belgium, Southgate ayaa yidhi”Waxa uu ahaa dhaawac dhabarka ah, waxa uu ka cabanayay dhabarka wuu sii wadan kari waayay ciyaarta”.

“Wixii intaas ka baxan waxba kama sheegi karo haatan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*