Tababaraha Uu Milkilaha Chelsea Doonayo In Uu Ku Badalo Frank Lampard Oo La Ogaaday.

Milkiilaha kooxda Chelsea Roma Abramovic ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu Tababare Frank Lampard ku badalo xiddigii hore ee kooxda u soo ciyaaray ee Andriy Shevchenko  sida ay sheegayaan wararku.

Tababare Frank Lampard ayuu cadaadisku ku sii badanayaa kadib qaab ciyaareed xun oo ay kooxdu soo bandhigtay kulamadii ugu dambeeyay.

Man City ayaa ahayd kooxdii ugu dambaysay ee xaalka ku sii xumaysa kooxda Chelsea iyo Lampard kadib makrii ay ku garaaceen 3/1.

Haatan wargayska Le10 Sport ayaa sheegaya in uu milkiilaha kooxda chelsea si aad ah u doonayo xiddigii hore ee chelsea ee  Andriy Shevchenko si uu u noqdo tababaraha cusub ee kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Abramovich si dhaw ula socday horumarka Shevachenko isaga oo waliba taageero weyn u ah.

Haatana waxa uu doonaya in uu Tababaraha u dhiibo shaqada kooxda kuna badalo Lampard wakhtiga soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*