Tababaraha Shaqada Ka Badali Doona Andrea Pirlo Hadii Todobaadkan Shaqada Laga Caydhiyo Oo La Ogaaday.

Wargayska Sportmediaset ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus shaqada ka caydhin doonto tababare Andrea Pirlo hadii ay kooxdu guuldaro kala kulanto kooxda Napoli Arbacada laakiin ayaa shaqada ka badali doona?.

Kooxda Juventus ayaa ku jirta xilli ciyaareed xun iyada oo laga reebay champions League sidoo kale kaalinta 4-aad ku jirta kala saraynta horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Juventus ayaa kulan baaqi u ah la ciyaarin doonta kooxda Napoli Arbacada wargayska Sportmediaset ayaana sheegaya in uu Pirlo shaqadiisa waayi doono hadii ay guuldaro kala kulmaan Napoli.

Warayska La Repubblica ayaa sheegaya in ay kooxdu tababare ku meel gaadh ah ka dhigi doonto caawiyaha Tababare Pirlo ee Igor Tudor inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Gacaliyahaagu Kuu Waasho Waliba Kaa Maarmi Waayo Si Waali Ahna Kuu Jeclaado, Wadooyinkan Raac, La’aantaa Ma Seexan karo Xitaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*