Tababaraha PSG Oo Ka Hadlay Xiisaha Chesea U Qabto Saxiixa Presnel Kimpembe

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain Christophe Galtier ayaa sheegay inuu kula kaftamay Presnel Kimpembe xiisihii Chelsea u qabto saxiixa daafaca dhexe.

Thomas Tuchel ayaa doonaya inuu sii xoojiyo daafaca dambe kadib markii ay dhamaystireen saxiixa daafaca Napoli ee Kalidou Koulibaly iyada oo xiddiga reer France u calaamadsatay bartilmaameedka.

Kadib markii ay ka hadheen baacsigii ay ugu jireen Nathan Ake Blues ayaa xiddiga Kimpembe ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad ee dhinaca daafaca.

Tuchel ayaa doonaya in uu Kimpembe kula midoobo chelsea xlli ciyaareedka cusub iyaga oo diyaar u ah in ay bixiyaan lacagta lagu qiimeeyo xiddiga.

Mar wax laga weydiiyay wararka xanta ah ee la xiriirinaya daafaca dhexe inuu u dhaqaaqayo Chelsea, Galtier ayaa u sheegay L’Equipe: “Waan akhriyay wax walba oo laga sheegay Kimpembe. Xataa waanu ku wada qoslaynay”.

‘Waan jeclahay isaga – waa daafac dhexe oo Fiican Laakiin waxa dhici doona ma garanayo”ayuu sii raaciyay.