
Tababaraha Kooxda Newcastle ee Eddie Howe ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddiga Liverpool lala xidhiidhinayo ee Alexander Isak.
Alexander Isak ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Liverpool iyada oo Reds xitaa xaqiijisay in ay diyaar la tahay dalab 120 milyan oo euro ah.
Xiddiga Alexander Isak ayaa gabi ahaan ka maqnaa kooxdii Newcastle ee maanta la ciyaartay Celtic isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
“Waxay ahayd go’aankeyga [in aan ka tago Isak]. Waxaan go’aansaday inaan u diro gurigiisa sababtoo ah wararka ku saabsan mustaqbalkiisa”.
“Waxa aan ku kalsoonahay in uu Newcastle sii joogi doono marka uu suuqu xidhmo”ayuu sii raaciyay.
Be the first to comment