Tababaraha Man United Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Hadlay Qorshaha Kooxdiisa Ee Suuqa January.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in uu Filayo Suuqa January oo aad u dagan marka uu furmo suuqa kala iibsiga bilowga sanadka cusub.

Kooxda ayaa suuqa galisay lacag dhan 84.6 milyan xagaagii iyaga oo kooxda keenay xiddigaha Edinson Cavani, Alex Telles & Donny van de Beek.

Xiddiga 18 jirka ah ee Amad Diallo ayaa sidoo kale kooxda iman doona suuqa January hadii ay Man United xiddiga u hesho warqada shaqada kadib markii uu xiddigu xagaagii kaga soo biiray ooxda Atalanta.

“Way adagtahay in la saadaaliyo sida ay noqon doonto xaalada dhaqaale oo ay kooxdu suuqa ku gali karto”.

“Ma filayo in aan xiddigo iibino ama aan xiddigo keeno hadii aan runta ka hadlo”ayuu Solskjaer sii raaciyay.

“Adduunka kubada cagta way is badashay waxana ay ku xidhnaan doontaa xaalada dhaawacyada kooxda soo gaadha laakiin haatan waxa aan ku faraxsanahay kooxda aan haatan haysto”.

Sii Akhriso: Laba Qarax Oo Khasaare Weyn Ka Dhashay Oo Ka Dhacay Muqdisho 12 Saac Gudohood

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*