Tababaraha Man United Ee Ole Gunnar Solskjaer Oo Sharaxay Sababtii Uu Kaydka U Dhigay Paul Pogba Kulankii Newcastle.

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay inuu keydka dhigay Paul Pogba kulankii Newcastle sababo la xiriira dhaawac yar oo uu qabay.

Xiddiga reer France ayaa si lama filaan ah uga maqnaa shaxda Rasmiga ah ee kulankii Newcastle isaga oo kaydka ku bilowday laakiin sababta ayaa ahayd ilaalin caafimaadkiisa ah.

Pogba ayaa qaab ciyaareed Liita soo bandhigay kulankii Tottenham ka hor fasaxii xulalka halka uu maalmo yar kadib guuldaradaas qirtay in uu jecelyahay ku biirista Real Madrid.

Waxa si weyn loo malaynayay arimahaas darteed in kaydka loo dhigay xiddiga kulankii Newcastle United laakiin tababaraha Man United ee Solskjaer ayaa arimaha kala cadeeyay.

“Paul waxa uu dhaawac yar ka qabay dhabarka iyo sinta sidaas darteed ma ahayn wax fiican in lagu bilaabo shaxda”ayuu Solskjaer yidhi.

“Waxa noo soo socda kulamo badan sidaas darteed qof walba waa in uu taam iyo tartan u galo booskiisa”.

Sii Akhriso: Ninkii Qoorta Ka Jaray Macalinkii Af-lagaadeeyay Nabi Muhammad “Naxariis Iyo Nabad galyo Korkiisa Ha Ahaatee” Oo La Ogaaday Cida Uu Yahay.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*