Tababaraha Denmark Oo Magacaabay Xulka U Sharaxan Ku Guulaysiga Euro 2020.

Tababaraha Xulka qaranka Denmark Kasper Hjulmand ayaa aaminsan in Spain ay ugu cadcadahay ku guuleysiga Euro 2020 sanadka.

Xulka Spain ayaa u soo baxday quarter-finalka si ay ula kulanto Switzerland Kuwaas oo rikoodhayaal ku reeba xulka France halka uu Xulka Denmark la ciyaari doono xulka Czech Republic.

“Waan jeclahay Spain iyo sida ay u ciyaaraan, waxaana ku qanacsanahay inay ku guuleysan karaan koobka Euro 2020,” ayuu yiri Hjolmand.

Waxa uu sii raaciyay: “Enrique marwalba wuxuu raadinayaa hindisaha, wuxuu heystaa koox dhalinyaro ah, oo meel fog gaari kara isla markaana ku guuleysan kara Koobka”.

“Waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay”Waxaan ku qanacsanahay qaab ciyaareedka Spain waqti dheer, laakiin dhawaanahan Diego Simeone wuxuu ii noqday dhiira galin”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*