Tababaraha Cusub Tottenham Ee Nuno Espirito Santo Oo Loo Sameeyay Balanqaad Ku Saabsan Harry Kane.

Tababaraha cusub ee kooxda Tottenham Hotspur Nuno Espirito Santo ayaa lagu soo waramayaa in loo xaqiijiyay in Harry Kane uusan ka tagi doonin kooxda xagaagan.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Tottenham isaga oo codsi u gudbiyay maamulka kooxdiisa iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha Man City iyo Man United.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay Daily Mail tababaraha cusub ee Tottenham Nuno ayaa loo sheegay in ayna kooxdu wax niyad ah u hayn in ay iska iibiso xiddiga suuqa xagaagan.

Wararka ayaa sheegaya in uu tababaraha reer Portugal isku diyaarinayo in uu Harry Kane ku haysto kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe iyada oo ay kooxdu diidi doonto dalab walba.

Man City ayaa la rumaysanyahay in ay diyaar u tahay in ay xiddiga ka bixiso lacag dhan 100 milyan oo euro laakiin Tottenham ayaa xiddiga ku qiimaysa lacag ka badan 150 milyan oo euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*