Tababaraha Chelsea Lampard Oo Looga Digay Qaab Ciyaareedka Werner Ka Hor Kulanka Tottenham.

Tababaraha Chelsea Frank Lampard ayaa looga digay qaab ciyaareedka Timo Werner ka hor kulanka Tottenham.

Weeraryahankii hore ee Blues Tony Cascarino ayaa dhaleeceeyay qaab ciyaareedkii Werner ee guushii Champions League ee ay ka gaareen Rennes bartamihii isbuuca.

“Hagaag, Timo Werner waxauu soo bandhigay qaab ciyaareed liita kulankaas”ayuu Cascarino ku sheegay talkSPORT 2.

“Kubadiisu ma ahayn mid fiican, xitaa ma maamuli karin kubada waxana uu lumiyay kubado badna”.

“Waxan rajaynayaa in uuna Frank Lampard ciyaarsiin kulanka Tottenham hadii uu sidaas u sii ciyaaro”.

Sii Akhriso: Laba Qarax Oo Khasaare Weyn Ka Dhashay Oo Ka Dhacay Muqdisho 12 Saac Gudohood

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*