Tababaraha Bayern Munich Julian Nagelsmann Oo Magacaabay Xiddiga U Qalma Ku Guulaysiga Ballon d’Or

Kaliya hal bil ayaa ka dhiman in la shaaciyo xiddiga ku guulaysta abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or iyada oo si weyn loo hadal hayo xiddiga ku guulaysan kara abaalmarinta sanadkan.

Xiddig, tababare iyo khabiir kasta ayaa saadaashooda ka dhiibanaya xiddiga ku guulaysan kara abaalmarinta Ballon d’Or-ka sanadkan iyada oo qof walba doortay midka ay u arkaan in ay ku guulaysan karaan abaalmarinta.

Sida tababare kasta Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Julian Nagelsmann ayaa sheegay in xiddigiisa Robert Lewandowski u qalmo abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka sanadkan.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Wuu u qalmaa ku guulaysiga abaalmarinta Ballon d’Or-ka”ayu Nagelsmann Yidhi.

“Haa, waa in uu ku guulaysto abaalmarinta sababta oo ah waxa uu u ciyaaray si cajiib ah 3-dii sano ee ugu dambeeyay, mana jiro xiddig u ciyaaray sida uu u ciyaaray”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*