Tababaraha Ay Tahay In Uu Ku Guulaysto Abaalmarinta Tababaraha Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan Oo La Magaacaby

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa saadaaliyay in uu tababaraha Chelsea Frank Lampard ku guuleysto abaalmarinta Tababaraha ugu Fiican Premier League sanadka.

Lampard ayaa hogaaminaya chelsea xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay kadib markii uu kooxda ku soo biiray bilowgii xilli ciyaareedkan.

Lampard ayaa chelsea ku hogaamiyay Final-ka FA Cup-ka sidoo kale kooxdiisa ku hogaamiyay kaalinta 3-aad ee kala saraynta premier League.

Kadib guushii Semi-final-ka FA Cup Merson ayaa rumaysan in uu Lampard ku guulaysto tababaraha ugu fiican sanadka.

Merson oo la hadlaya Sky Sport ayaa yidhi”Waxaan u maleynayay inay Chelsea ahaayeen kuwa aad u fiican, aad u cajiib ah”.

“Chelsea waxay la mid yihiin Man United laakiin waxa ay u ciyaareen si adag marka laga reebo in ay booqan doonaan Liverpool ka hor inta ayna la ciyaarin Wolves”.

“Frank Lampard waxa uu ogyahay hadii uu ku guulaysto FA Cup-ka in ay tahay guul weyn”.

“Waan arki doonaa waxa uu sameeyo 2-da kulan ee uga hadhay premier League iyo FA Cup-ka”.

“Waxa aan u arkaa in uu yahay tababarha u qalma ku guulaysiga abaalmarinta tababaraha ugu fiican Sanadka”.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*