Tababaraha Ay Chelsea Tallabada Ugu Horaysay U Qaaday Si Ay Ugu Badasho Tuchel Oo La Ogaaday.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbinayso saxiixa tababaraha kooxda Brighton ee Graham Potter sida ay sheegayaan wararku.

Chelsea ayaa la xidhiidhay Brighton iyaga oo waydiistay in ay u ogolaadaan in ay wadahadalo la furaan saxiixa tababaraha kooxda ee Graham Potter.

Blues ayaa doonaysa in ay Graham Potter ka dhigto badalka Thomas Tuchel oo ay shaqada ka caydhiyeen kadib natiijooyinkii xumaa ee kooxda bilowgii xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Sky Sport, chelsea ayaa la filayaa in ay dalab ka gudbiso saxiixa tababare Graham Potter kaas oo ay u aragto badalka Tuchel ee kooxda chelsea.

Tababare Graham Potter ayaa shaqo fiican ka qabtay kooxda Brighton isaga oo kooxda ka caawiyay in ay kaalinta 5-aad kaga jirto premier League xilli ciyaareedkan