Taariikh: Marcus Rashford Oo Isku Qoray Taariikhda Man United

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United e Marcus Rashford Ayaa isku qoray taariikhda kooxda Man United kadib goolkii uu ka dhaliyay Leicester City.

Xiddiga Marcus Rashford ayaa kooxdiisa u dhiibay hogaanka kulankii ay Man United bar-baraha la gashay kooxda Leicester City kana tirsanaa horyaalka premier League.

Kadib goolkaas xiddiga Marcus Rashford ayaa isku qoray taariikhda kooxda Man United ee horyaalka premier League.

Xiddiga Marcus Rashford ayaa noqday xiddiga 3-aad ee ugu da’yar ee 50 gool u dhaliya Man United Premier League isaga oo jira 23 sano iyo 56 maalin.

Xiddigihii kaga horeeyay rikoodhka ayaa ah Wayne Rooney oo gaadhay rikoodhkaas isaga oo jira 22 sano iyo 157 maalin iyo Cristiano Ronaldo oo jiray 22 sano iyo 341 maalin.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 4 Cunto Oo Disha Kulanka Sariirta, Iska Ilaaliya, Waa Waajib Idin Saaran Gudashada Kulanka Sariirta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*