TAARIIKH: Gavi Oo Taariikh Cajiib Ah Ka Sameeyay Koobka Adduunka.

Xiddiga xulka qaranka Spain iyo kooxda Barcelona ee Gavi ayaa taariikh ka dhigay koobka adduunka kadib markii uu gool ka dhaliyay kulankii ay 7-0 ku xasuuqeen Costa Rica ciyaartii furitaanka Group E ee La Roja.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa helay kulankiisii ​​14-aad ee heerka caalami ka dib markii lagu magacaabay line-upka Luis Enrique kulankii ugu horeeyay ee Qatar oo ka dhacay Al Thumama Stadium.

Spain ayaa 31-daqiiqo ee ugu horreysay saddex gool ku hormartay waxaana u kala dhaliyay Dani Olmo, Marco Asensio iyo Ferran Torres, ka hor inta uusan goolka 3-aad dhalin xiddiga Ferran Torres bilowgii qaybta dambe.

Daqiiqadii 74-aad ee ciyaarta waxaa goolka u dhaliyay da’yarka Gavi, kaasoo kubad cajiib ah kubada dhex dhigay goolka kadib markii uu baas ka helay Alvaro Morata.

Isaga oo jira 18 sano iyo 110 maalmood, Gavi kaliya ma noqon ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee Spain u ciyaara tartamada waaweyn, sidoo kale wuxuu noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee abid gool ka dhaliya Koobka Adduunka.

Da’yarka ayaa dhaafay rikoorkii hore ee uu dhigay xiddigii hore ee khadka dhexe ee Real Madrid Pirri kaas oo shabaqa soo taabtay isaga oo jira 21 sano iyo 124 maalmood kulankii La Roja ee Argentina 1966dii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*