Taariikh: Cristiano Ronaldo Oo Taariikh Ka Sameeyay Koobka Adduunka.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa guul ku hogaamiyay xulkiisa Portugal kulankoodii ugu horeeyay ee koobka adduunka Qatar 2022.

Cristiano Ronaldo Ayaa goolasha u furay xulkiisa kadib markii rikoodhe loo dhigay isaga kadib khalad lagu galay isaga laftiisa.

Ronaldo ayaa gool u badalay rikoodhada loo dhigay waxana uu kooxdiisa u hor seeday guushii ugu horaysay ee koobka adduunka.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa rikoodhada uu dhigay Ronaldo kadib goolkiisii.

1.Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa ka mid ah 4 xiddig oo kaliya kuwaas oo gool dhaliyay 4 koob adduun oo kala duwan.

2.Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda koobka adduunka gool dhaliya 5 tartan oo kala duwan kadib markii uu gool dhaliyay (2006، 2010، 2014، 2018، 2022)

3.Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddigii 2-aad ee ugu da’da weynaa ee gool ka dhaliya koobka aduunka isaga oo jira 37 sano iyo 292 maalin kadib Roger Miller oo gool ka dhaliyay koobka adduunka isaga oo jira 42 sano.

1 Comment

  1. Waxaa guul lama dhaho waa cadaalad daro weyn oo loogu eexdey bortuqaal nikankii axmed gurey diley garsooruhu dambi weyn buu sameeyey

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*