TAARIIKH: Cristiano Ronaldo Oo Serie A-da Ka Dhigay Rikoodh Ay 60 Sano Ugu Dambaysay

Xiddiga Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa Serie A-da ka dhigay Rikoodh aan laga dhigin 60 sano hor kadib guushii uu ku hogaamiyay kooxdiisa kulankii Torino.

Goolal ay dhaliyeen Xiddigaha Paulo Dybala, Juan Cuadrado, Cristiano Ronaldo Iyo Koffi Djidji oo si khaldan isaga dhaliyay ayaa Juventus ku hogaamiyay Guul Weyn oo muhiim ah.

Kadib guushaas xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa isku qoray taariikhda horyaalka Serie A-da kooxda Juventus isaga oo sii wada dhigista rikoodhada cajiib ah.

Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee 25 gool dhaliya xilli ciyaareed kaliya horyaalka Serie A-da una ciyaara kooxda Juventus tan ilaa 1961-kii.

Halkan Ka Daawo goolasha Juventus ku badisay:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*