TAARIIKH: Cristiano Ronaldo Oo Isku Qoray Taariikhda Kubada Cagta.

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kubada cagta kadib makrii uu Juventus ku hogaamiyay ku guulaysiga tartanka Italian Super Cup.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay goolkiisii 760-aad ee xiradiisa ciyaareed kadib markii uu goolka 1-aad u dhaliyay kooxda Juventus daqiiqadii 64-aad.

Xiddiga 35 jirka ah ayaa haatan noqday xiddiga ugu goola badan taariikhda kubada cagta kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Napoli.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 760-aad ee xirfadiisa ciyaareed isaga oo sidaas ku noqday boqorka goolasha ee taariikhda kubada cagta.

Cristiano ayaa kooxda Sporting Lisbon u dhaliyay 5 gool, Man United 118 gool, Real Madrid 450 gool, Juventus 85 gool iyo Portugal oo uu u dhaliyay 102 gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*