TAARIIKH: Cristiano Ronaldo Oo Isku Qoray Taariikhda Kubada Cagta, Pele Ayuu Dhaafay.

Waa Sanad cusub & Cristiano Ronaldo-dii hore, xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa laba gool iyo caawin ku bilowday sanadka cusub ee 2021 kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay kooxda Udinese.

Xiddiga reer Portugal ayaa sidoo kale isku qoray taariikhda kubada cagta kadib labadii gool ee uu ka dhaliyay kooxda Udinese.

Kadib labadii gool ee uu dhaliyay xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 258-aad ee kubada cagta taas oo ku qaadatay muddo 20 sano ah tan ilaa kulankiisii uu horeeyay.

Sidaas darteed Cristiano Ronaldo ayaa noqday xidiga ugu goolasha badan taariikhda kubada cagta isaga oo dhaafay Pele oo dhaliyay 757 gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*