Taageerayasha Xulka England Oo U Codeeyay Shaxda Ay Doonayaan In Uu Xulkooda Ku Ciyaaro Koobka Adduunka.

Xulka qaranka England ayaa isku diyaarinaya koobka adduunka ka dhici doona dalka Qatar sanadkan iyada oo uu isha ku hayo in uu meel fiican ka gaadho tartanka.

Kadib markii ay gaadheen Semi-final-ka koobka adduunka sanadkii 2018 sidoo kale gaadheen final-ka koobkii Euro 2020, xulka England ayaa rajo weyn laga qabaa sanadkan.

Laakiin rajadaas waxa hadheeyay natiijooyin xun kulamadii ka horeyay koobka adduunka iyada oo uuna xulku wax guul ah gaadhin 6-dii kulan ee ugu dambaysay.

Sabab ka mid ah natiijooyinka xun waxa ay tahay in uu tababaraha xulku samaynayo khaladaad ku saabsan doorashada xiddigaha matalaya xulka qaranka England.

Sidoo kale waxa su’aal laga keenay qaabka uu u xulanayo shaxda uu ku ciyaarayo kulamada isaga oo ku ciyaara 5 daafac ah isla markaas ciyaarsiiyo xiddigo aan qaab ciyaareed fiican ku jirin.

Ka hor bilaabashada koobka adduunka taageerayaasha xulka England ayaa doortay shaxda ay doonayaan in uu xulkoodu ku ciyaaro marka la gaadho koobka adduunka sanadka.

Image