Taageerayaasha Xulka Germany Oo Doortay Shaxda Ay Doonayaan In Uu Xulkoodu Ku Ciyaaro Koobka Adduunka.

Xulka qaranka Germany ayaa isku diyaarinaya koobka adduunka Qatar 2022 kaas oo bilaaban doona bilaha yar ee soo socda kana dhici doona dalka Qatar.

Taageerayaasha xulka Germany ayaa doortay ama u codeeyay shaxda ay doonayaan in uu xulkoodu ku dagaal tago koobka adduunka ka dhici doona dalka qatar.

Xulka Germany ayaa isha ku haya in uu ku tartamo koobaka adduunka kadib markii uu qaab ciyaareed niyad jab leh ka soo bandhigay tartanka Nations League.

Xulka Germany ayaa kaliya badiyay hal kulan 6-dii kulan ee Nations League xilli ciyaareedkan isaga oo si weyn ugu dhibaatooday natiijooyinka.

Taageerayaasha xulka Germanay ayaa sidaas darteed ka qayb qaatay codayn ay samaysay Sky Sport Germany iyaga oo lagu waydiiyay in ay doortaan shaxda ay doonayan in uu xulku ku ciyaaro koobka adduunka.

Xulka Germany ayaa ku jira Group-ka E ee koobka adduunka iyaga oo la Group ah xulalka Spain, Japan iyo Costa Rica

Image