Taageerayaasha Real Madrid Oo Doortay Tababaraha Ay Doonayaan in Ay Kooxdoodu Ku Badalaan Zinedine Zidane

Inkasta oo Massimiliano Allegri loo arko tababaraha ugu cad-cad ee shaqada Real Madrid ka badali doona Zinedine Zidnae hadana taageerayaasha Los Blancos ayaa Halyeeyga kooxda ee Raul Gonzalez u doortay badalka Tababare Zidane.

Ku dhawaad 150,000 ayaa ka qayb qaatay codaynta uu sameeyay wargayska MARCA iyada oo 57% doorteen Raul Gonzalez in uu noqdo tababaraha shaqada Real Madrid ka badalo Zined dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low oo isaga tagi doona xulka Germany dhamaadka tartanka Euro-da xagaagan ayaa dhankiisa helay cod dhan 17% halka uu Alegri helay kaliya 10% codka taageerayaasha Los Blancos.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in aanay maamulka Real Madrid ku dhawaaqi doonin badalka Zidane ilaa dhamaadka xilli ciyaareekan iyada oo uu Raul ugu cad-cadyahay in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Real Madrid.

Sii Akhriso: Tilmaamaha & Astaamaha Qeexan Ee Jacaylka Dhabta Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*