Taageerayaasha Real Madrid Oo Doortay 10-ka Xiddig Ee Ay Doonayaan In Laga Diro Kooxda Xagaagan.

Taageerayaasha Real Madrid ayaa doortay xiddigaha ay tahay in laga diro kooxda suuqa xagaagan hadii ay tahay qaab iib ah ama qaab amaah ah xilli ay kooxda joogaan xiddigo badan oo aanu tababare Carlo Ancelotti u baahnayn.

Madaxweyne Florentino Perez ayaa laba maalmood ka hor sheegay inay jiraan 35 oo haatan jooga kooxda waxana loo baahanyahay in ugu yaraan 10 xiddig laga diro kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka.

Wargeyska ayaa diyaariyay Afti uu taageerayaasha kooxda Real Madrid ku waydiiyay xiddigaha ay doonayaan in laga diro kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Taageerayaasha ayaa magacaabay 10 xiddig ee ay doonayaan in ay kooxdu iska iibiso xagaagan ama ay qaab amaah ah ku jirto hadii iib loo waayo inta uu suuqu furanyahay.

Xiddigaha Isco, Mariano Díaz, Borja Mayoral, Jesus Vallejo, Marcelo, Gareth Bale, Reinier Jesus Carvalho, Luka Jovic, Dani Ceballos iyo Takefusa Kubo ayaa ah xiddigaha ay taageerayaashu u doorteen in laga diro kooxda xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*