
Akhristayaasha shabakada Sky Sport ayaa doortay ama u codeeyay shaxda laga sameeyay xiddigaha cusub ee ay la wareegeen kooxaha premier League.
Kooxaha premier League ayaa sameeyay saxiixyo cusub suuqa kala iibsiga xagaagan iyaga oo ku xoojiyay kooxohooda xilli ciyaareedka cusub.
Xiddigo badan ayaa ku kala biiray kooxaha premier League kana mid yihiin Sterling, Jesus, Haaland, Nunez iyo xiddigo kale badan kuwaas oo u wareegay suuqa xagaagan.
Shabakada Sky Sport ayaa akhristayaasheeda waydiisay in ay u codeeyaan shaxda ay u arkaan mida ugu fiican ee laga sameeyay xiddigaha suuqa kala iibsiga xagaaga wareegay.
Xiddigaaha Richarlison, Nunez iyo Sterling ayaa hogaaminaya shaxda ugu fiican suuqa kala iibsiga xagaaga xilli ay sidoo kale shaxda ku jiraan xiddigo kale oo cusub.
Be the first to comment