Taageerayaasha Man United Oo Isku Raacay Xiddiga Ilaa Haatan Badbaadiyay Shaqada Tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Taageerayaasha kooxda Man United ayaa isku raacay in dib u soo laabashada qaab ciyaareedka David De Gea ay ilaa haatan badbaadisay shaqada tababare Ole Gunnar Solskjaer xilli ciyaareedkan.

Kadib niyad jabkii Final-kii Europa League, Goolhaye De Gea ayaa soo bandhiay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo noqday dookha 1-aad ee kooxda Man United.

David De Gea Ayaa soo bandigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo waliba badbaadino waali ah sameeyay kulamadii uu ciyaaray ilaa haatan xilli ciyaareedka tartamada oo dhan.

Tababare Solskjaer ayaa xitaa Goolhaye David De Gea ku tilmaamay Goolhayaha ugu fiican kadib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulankii ay Man United guusha soo laabashada ah ka gaadhay kooxda Villarreal.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*