Taageerayaasha Man United & Liverpool Oo Isku Raacay Hal Arin Oo Ku Saabsan Man City Kadib Isku Aadkii FA Cup-ka.

Waxa xalay la sameeyay isku aadka wareega 4-aad iyo 5-aad ee tartanka FA Cup-ka kaas oo uu ka soo baxay kulan si weyn loo sugayo oo dhexmari doona kooxaha Man United iyo Liverpool.

Red Devils Iyo Reds ayaa ku kulmi doona Old Trafford kulanka FA Cup-ka iyada oo midkood ka hadhi doono tartanka Xilli ciyaareedkan wareega 4-aad.

Dhanka kale Man City ayaaku aaday kooxda Cheltenham Town iyaga oo mar kale ku aaday koox kale tartanka Maxaliga ah.

Taageerayaasha Man United iyo Liverpool oo ah kuwo col ah si weyna u xafiiltama ayaa isku raacay in ay Man City mar walba ku aado koox yar tartanka FA Cup-ka sanadihii ugu dambeeyay.

“Man city mar kale ayay koox yar ku aaday”ayuu Twitter-ka ku qoray taageere United ah.

Taageere kale ayaa yidhi”Ma garanayo sababta ay Man City mar walba kooxaha yar-yar ugu aado koobabka maxaliga ah”.

“Waxa aan mar kale la ciyaaraynaa koox weyn halka ay Man City mar kale koox yar ku aaday”ayuu taageere kale qoray.

Taageere Liverpool ah ayaa dhankiisa yidhi”3-da arin ee nolosha la hubo in ay dhacayso waa, 1. In la dhimanayo, 2, cashuurta, 3. Man City oo koox yar lagu beego”.

“FA-gu waxa uu xidhiidh la leeyahay Man City maadama uu mar walba koox yar ku beego”ayuu taageere kale yidhi.

“Cid ma ii sheegi kartaa sababta aan Man United ugu aadnay halka ay Man City ugu aaday Cheltenham”ayuu taageere kale yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*