Taageerayaasha Kubada Cagta Oo U Codeeyay Kooxda Ay Aaminsanyihiin In Uu Erling Haaland Ku Biiri Doono Xagaaga.

Mustaqbalka Erling Haaland ayaa hadal haynta wargaysyada wax ka qora kubada cagta iyada oo xiddiga si weyn loola xidhiidhinayo kooxaha waaweyn ee qaarada yurub kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Wakiilka xiddiga ee Mino Raiola ayaa khamiistii la kulmay masuuliyiin ka socda kooxda Real Madrid iyo Barcelona kuwaas oo uu u soo bandhigay saxiixa xiddiga da’yarka ah marka la gaadho xagaaga.

Kadib maanta oo jimce ah Wakiilka xiddiga ayaa la kulmaya kooxaha Premier League ee Liverpool, Chelsea, Man City iyo Man United si uu ugala hadlo sidii uu ugu biiri lahaa midkood kooxaha.

Wargayska AS ayaa sameeyay codayn uu taageerayaasha kubada cagta ku waydiinayo kooxda ay u arkaan in ay ku guulaysan doonto saxiixa xiddiga marka uu furmo suuqa kaal iibisga xagaaga.

Codaynta waxa ka qayb qaatay taageeralaa dhan 13,421 kuwaas oo fikirkooda ka dhiibtay kooxda ay aaminsanyihiin in uu Erling Haaland ku biiri doono marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Taagerayaal dhan 43% ayaa u codeeyay in ay arkaan in uu Haaland xagaaga ku biiro kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga halka 41% ay taageerayaashu Barcelona u codeeyeen.

Kooxda Man City ayaa heshay codayn dhan 10% halka 4% ay u codeeyeen in uu sii jooi doono kooxda Borussia Dortmund xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl Macaan Oo Shukaansi ah Waliba Qalbiga Soo Jiidanayo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*