Sutton & Savage Oo Saadaaliyay Meesha Ay Chelsea, Man United Iyo Liverpool Kaga Dhamaysan Doonaan Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Chris Sutton iyo Robbie Savage ayaa saadaaliyay Kooxaha Ku dhamaysan doona 4-ta boos ee ugu sareeya premier League iyada oo labadooduba chelsea u saadaaliyeen ku guulaysiga premier League xilli ciyaareedkan.

Horyaalka premier League ayaa si xiiso leh ku bilowday xilli ciyaareedkan iyada oo kooxo badan muujiyeen awoodooda in ay meel fiican kaag dhamaysan karaan xilli ciyaareedka.

Kooxda Liverpool ayaa hal dhibic ku hogaaminayso horyaalka iyaga oo ka horeeya kooxaha Man City, Chelsea, Man United Everton iyo Brighton kuwaas oo dhamaantood wada leh 13 dhibcood.

“Ka hor bilowgii xilli ciyaareedka, ka hor intii aan kubad la aadin, waxa aan horyaalka u saadaalinayay Man City”ayuu Sutton ayuu yidhi.

“Laakiin taasi waxa ay ahayd hadii ay la saxiixan lahaayeen Harry Kane sidaasna ma dhicin, haatan waxa aan horyaalka u saadaalinayaa chelsea sababta oo ah saxiixa Romelu Lukaku”.

“Waxa aan horyaalka u saadaalinayaa Chelsea, Kaalinta 2-aad Liverpool, kaalinta 3-aad Man City iyo Man United”ayuu sii raaciyay.

Savage ayaa raaciyay: ‘Kahor bilowga xilli ciyaareedka, waxaan dooran lahaa Chelsea, Man City, Man United iyo Liverpool”.

“Wali waxa aan dooranaya chelsea in ay ku guulaysato horyaalka sababta oo ah Saxiixa Romelu Lukaku”.

“Waxa aan Man United u doortay kaalinta 2-aad laakiin waan badalayaa waxana aan dooranayaa Liverpool sababta oo ah Soo laabashada Virgil Van Dijk”

Sii Akhriso: Fariimo Jacay: Gabadheey Ma Doonaysaa In Aad Xoojiso Jacaylka Uu Gacaliyahaagu Kuu Qabo, Fariimahan U Dir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*