Iyadoo xilli ciyaareedka uu marayo marxaladdii ugu dambaysay, Supercomputer ayaa cusboonaysiiyay saadaashiisa ku saabsan sida uu u ekaan doono jadwalka ugu dambeeya ee Premier League xilli ciyaareedka 2025/26.
Qof walba wuxuu filayay in Manchester City ay mar kale hogaanka qabtaan xilli ciyaareedkii hore, balse waxaa si lama filaan ah horyaalka ugu guuleystay Liverpool – oo uu hoggaaminayo tababaraha cusub Arne Slot – iyagoo si sahlan ugu guuleystay koobkoodii 20aad ee horyaalka Ingiriiska, isla markaana dib u hanatay booska ay ku yihiin kooxda ugu guulaha badan dalka.
Ma jirin wax dhibco gunno ah oo la siiyay kuwii saadaaliyay in Arsenal ay kaalinta labaad ku dhamaysan doonto – maadaama ay hadda saddex xilli ciyaareed oo isku xigta sidaas sameeyeen – halka kooxda Pep Guardiola ee Manchester City ay qaab ciyaareedkoodii dhammaadka xilli ciyaareedka ku xaqiijiyeen inay si dhib yar u galaan kaalinta saddexaad.
Sheekooyinka kale ee la xusay waxaa ka mid ahaa orodkii lama filaanka ahaa ee Nottingham Forest oo u horseeday inay u soo baxaan tartamada Yurub, halka Tottenham Hotspur iyo Manchester United ay ku dhaceen xilli ciyaareedkoodii ugu xumaa ee horyaalka tan iyo dib-u-habeyntii 1992.
Dhammaan arrimahaas wali waa kuwo maskaxda ku cusub, balse kubadda cagtu marna ma seexato. Saadaasha hoos ku xusan waxaa diyaariyay Supercomputer, iyadoo gacan laga helayo Opta, kaas oo ku saleeyay tirakoob iyo jadwalka kulamada, iyo wixii laga bartay xilli ciyaareedka ilaa hadda.
Supercomputer ayaa Arsenal u saadaaliyay ku guulaysiga Premier League iyada oo loo saadaaliyay in ay gaadho 85 Dhibcood Halka Uu Man City u saadaaliyay in ay ku dhamaysan doonto kaalinta 2-aad iyada oo heli doonta 75 Dhibcood.
Kooxda Man United ayaa loo saadaaliyay kaalinta 3-aad iyada oo loo saadaaliyay in ay hesho 66 Dhibcood Halka ay Aston villa loo saadaaliyay in ay gaadho 65 Dhibcood.
Liverpool ayaa loo saadaaliyay kaalinta 5-aad iyada oo loo saadaaliyay 60 Dhibcood Halka ay Chelsea ku dhamaysan doonta 5-aad iyada oo loo saadaaliyay 58 Dhibcood.
Be the first to comment