Supercomputer Oo Sameeyay Saadaalintii Ugu Dambaysay Ee Horyaalka Premier League.

Supercomputer ayaa sameeyay saadaashii ugu dambaysay ee sida uu ku dhamaan doono horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii la galay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka.

Horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ayaa ah mid la yaab leh iyada oo aan ilaa haatan jirin koox ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka.

Kooxo badan ayaa isku baacsanaya hogaanka horyaalka premier League iyada oo dhibco aad u yar kala sareeyaan kooxo badan oo premier Leageu.

Kooxda Man City ayaa hogaaminaysa horyaalka premier League waxa kaalinta 2-aad ku jirta kooxda Man United halka kooxaha Leicester City iyo Liverpool ku jiraan labada kaalin ee champions league.

Supercomputer Ayaa sidaas darteed sameeyay saadaalinta ugu dambaysa ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyo sida uu ku dhamaan doono.

Supercomputer ayaa Kooxda Man City u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan halka uu kaalinta 2-aad u saadaaliyay kooxda Liverpool sidoo kale boosaska champions League u saadaaliay Liecter City iyo Tottenham.

Arinta Naxdinta u ah taageerayaasha United ayaa ah in uu u saadaaliyay kaalinta 5-aad iyaga seegi doona champions League xilli ciyaareedka dambe.

Chelsea iyo Arsenal ayuu sidoo kale u saadaaliyay 8-aad iyo 10-aad kala saraynta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*