Supercomputer Oo Sameeyay Saadaalinta Kala Saraynta Premi Premier League Xilli Ciyaareedka Cusub

supercomputer ayaa saadaaliyay sida uu noqon doono kala saraynta horyaalka premier League dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda waxana uu war fiican u yahay kooxda haatan difaacanaysa horyaalka ee Man City halka uu mar kale u saadaaliyay Arsenal boos niyad ku riday taageerayaasha Gunners.

Kooxda Pep Guardiola ayaa ku guulaystay premier League xilli ciyaareedkii hore waxana lala xidhiidhinayaa xiddigo ay ka mid yihiin Harry Kane iyo Jack Grealish waxana uu supercomputer u saadaaliyay in ay difaacato horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.

supercomputer Ayaa kooxa difaacanaysa champions League ee chelsea u saadaaliyay kaalinta 2-aad ee kala saraynta horyaalka premier League halka kooxda Liverpool loo saadaaliyay kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Dhanka kale supercomputer ayaa Man United u saadaaliyay kaalinta 4-aad ee kala saraynta inkasta oo ay ilaa haatan samaysay saxiixyada ugu waaweyn premier League ilaa haatan.

Dhanka kooxaha ka hadhay horyaalka supercomputer ayaa saadaaliyay in ay kooxaha Watford, Brentford iyo Norwich ka hadhi doonaan premier League kuna laaban doonaan Championship-ka xilli ciyaareedka xiga.

Arsenal ayuu SuperComputer u saadaaliyay in ay ku dhamaysan doonto kaalinta 8-aad mar kale waliba seei doonto tartamada yurub xilli ciyaareed kale.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ay Gabadh Walba Ka Raadiso Ninka Ka Hor Guurka, Hadii Aad Sifooyinkan Leedahay Waad Helaysaa Gabadh Nolosha Kula Wadaagta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*