Supercomputer Oo Saadaaliyay Sida Uu Ku Dhamaan Doono Premier League.

Waxa la ciyaaray 7 kulan ilaa haatan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kooxda chelsea ayaana hogaaminaysa horyaalka ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Laakiin Supercomputer ayaa Blues u saadaaliyay in ay kaalinta 3-aad kaga dhamaysato horyaalka premier League xilli Man City loo saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League.

Dhanka kale Liverpool ayaa loo saadaaliyay in ay kaalinta 2-aad kaga dhamaysato premier League xilli Man United loo saadaaliyay in ay ku dhamaysan doonto kaalinta 4-aad.

Kooxaha Everton iyo Tottenham ayaa loo saadaaliyay in ay dhamaystiraan 6-ad kooxood ee ugu sareeya horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

  1. Manchester City – 84 Dhibcood
  2. Liverpool – 79 Dhibcood
  3. Chelsea – 77 Dhibcood
  4. Manchester United – 67 Dhibcood
  5. Everton – 56 Dhibcood
  6. Tottenham – 56 Dhibcood

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*