Supercomputer Oo Saadaaliyay Sida Uu Ku Dhamaan Doono Premier League Xilli Ciyaareedkan & Liverpool Oo Ay War Xun U Tahay.

Liverpool ayaa loo saadaaliyay in ay ku dhamaysan doonto meel ka baxsan 4-ta boos ee ugu saraysa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa haatan ku jirta kalainta 6-aad kadib markii 4 kulan oo xidhiidh ah laga badiya lagana dhaliyay 10 gool.

Liverpool ayaa 19 dhibcood ka dambaysa kooxda Ma City halka ay 5 dhibcood ka dambayso kooxda kaalinta 4-aad ku jirta ee West Ham.

Supercomputer ayaa saadaaliyay in ay Man City ku guulaysan doonto horyaalka halka ay kooxaha champions League buuxin doonaan kooxaha Man United Leicester City iyo Chelsea.

Dhanka kale Arsenal ayaa loo saadaaliyay in ay ku dhamaysan doonto kaalinta 10-aad iyaga oo 3 dhibcood ka hoosayn doona kooxda ay xafiiltamaan ee Tottenham kuwaas oo loo saadaaliyay kaalinta 7-aad.

This is how a Premier League supercomputer has predicted the final table

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*