Supercomputer Oo Saadaaliyay Labada Xul Ee Gaadhi Doona Final-ka Euro 2020 & Xulka Ku Guulaysan Doona Koobka.

supercomputer ayaa saadaaliyay in uu xulka England iska xaadirin doono Final-ka Euro 2020 laakiin uu guuldaro kala kulmi doono xulka Italy kuwaas oo uu u saadaaliyay ku guulaysiga koobka sanadkan.

Xulka England ayaa Semi-final-ka la ciyaari doona xulka Denmark kadib markii ay guul weyn ka gaadheen xulka Ukraine Arbacadii la soo dhaafay.

Dhanka kale xulka Italy ayuu u saadaaliyay in uu garaaci doono xulka Spain kulanka Salaasada Semi-final-ka 1-aad ee tartanka Euro 2020.

Xog la uruuriyay ayaa muujinaysa in 39.8% xulka Italy fursad u haysto ku guulaysiga tartanka kadib qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee ay ilaa haatan soo bandhigeen tartanka.

Dhanka kale xulka England ayaa helay 29.4% fursadaha ku guulaysiga tartanka Euro 2020 ee sanadkan kadib makii ay si fiican u ciyaareen tartanka ilaa haatan.

Xulka Spain ayaa helay qiimayn dhan 22.4% ku guulaysiga tartanka Halka xulka Denmar helay kaliya 8.4% fursadaha ku guulaysiga tartanka Euro 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*