Supercomputer Oo Saadaalin Cusub Ka Sameeyay Sida Uu Ku Dhamaan Doono Premier League & Man United Oo Niyad Jab Wajahaysa.

Supercomputer ayaa sameeyay saadaashii ugu dambaysay ee sida uu ku dhamaan doono horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii la dhamaystiray qaybtii hore ee xilli ciyaareedka.

Kooxda Man United ayaa qaybta hore ee xilli ciyaareedka ku dhamaystay iyaga oo hogaaminaya horyaalka premier League kadib qab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen.

Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool ayaa ku dhamaystay kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka kadib 4 kulan oo ay bilaa guul noqdeen.

Kooxda Man City ayaa iyadu ku jirta kaalinta 2-aad halka Leicester Oo wacdaro dhigaysa ku jirto kaalinta 3-aad ee kala saraynta premier League.

Kooxaha Tottenham, Chelsea iyo Arsenal ayaa dhankooda ku kala jira kaalmaha 5, 8 iyo 10-aad qaybta hore ee xilli ciyaareedka.

Laakiin Supercomputer Ayaa saadaaliyay in uu is badal weyn dhici doono qaybta dambe ee xilli ciyaareedka horyaalka premier League.

Supercomputer ayaa Man City u saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier League iyaga oo kaalinta 1-aad kala bixi doona kooxda Man United kuwaas oo ku dhamaysan doona kaalinta 2-aad.

Kooxda Difaacanaysa horyaalka ee Liverpool ayuu u saadaaliyay kaalinta 3-aad ee kala saraynta iyaga oo kala bixi doona kooxda Leicester City halka ay Tottenham buuxin doonto boosaska champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda chelsea ayuu u saadaaliyay kaalinta 6-aad halka ay Arsenal ku dhmaysan doonto kaalinta 8-aad ee kala saraynta prmeier League.

Man Utd are set to slip to second by the end of the season, according to a supercomputer (source: bettingexpert)

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Hadii Gacaliyahaagu Kuu Xanaaqsan Yahay, Ku Raali Gali Arimahan, Wuu Ku Cafin Doonaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*